Nin ku hubeysan qaanso iyo falaar oo Dad ku dilay Dal ku yaalla Yurub

Waddanka Norway shan qof ayaa dhimatay laba kalana waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu dadkaasi weerraray nin adeegsanaya qaanso iyo falaar.

Booliska ayaa abaare 18:13 waqtiga maxalliga ah waxaa la soo gaarsiiyay warka weerrarka ka dhacay magaalada Kongsberg ee koonfur galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo.

Nin u dhashay waddanka Denmark oo 37-jir ah ayaa loo xiray tuhun ah inuu weerrarka fuliyay.

Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baari doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso, sida uu sheegay afhayeen.

Qofka weerrarka gaystay ayaa la sheegay in weerrarka uu ka fuliyay suuqyaraha Coop Extra ee dhaca galbeedka magaalada Kongsberg. Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ah askari boolis ah oo fasax ku jiray kaas oo waqtiaas dukaanka ku sugnaa.

Afhayeen u hadlay suuqyarahaasi ayaa markii dabme xaqiijiyay in “fal halis ah” uu ka dhacay halkaasi, waxa uuna intaasi ku daray in shaqaalahoodu aanay wax dhibaato jireed ah soo gaarin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor