Nin Ku Guuleestay Fool-Xumada Zimbabwe oo Codsaday In La Aqbalo Fool-Xumadiisa

Mison Sere ayaa dalka Zimbabwe ka noqday kan ugu fool-xumada badan. Inuu ku guuleesto qof ugu foosha xun Zimbabwe waxa uu ku helay kadib markii uu tartan adag uga guuleestay nin kula baratamayay jagadaas fool-xumada, William Masyinu.

Kadib markii ay 2-da baratame soo bandhigeen waxyaabo isugu jira qosol iyo maad oo ay ku muujinayeen fool-xumadooda waxa ay ugu dambeyn guushu raacday Sere.

Taas waxaa in ay si cadaalad darra ah u dhacday ku tilmaamay ninka sida weyn ula tartamayay Sere oo sheegay in ay jirtay eex iyo cadaalad darro.

“Hadaad Ilkaha la’adahay macnaheedu maaha inaad fool-xun tahay. Maxaayeelay Fool-Xumada waa lagu dhashaa. Ma guul dareysan, oo wali waxaan ahay Lambar Koowaad. Waxaan rabnaa in wax kasta dib loo eego” ayuu yiri William Masyinu.

Meesha lagu tartamayay, oo ahayd magaalada Harare, ayaa la isugu keenay raga ugu fool-xumada badan dalka Zimbabwe, oo uu ugu cansanaa William Masyinu, oo 3 jeer ku guuleestay koob Fool-Xumadda dalka Zimbabwe. Waxa uuna ahaa mudadaas ninka loogu yeero Mr. Ugly, oo uu macnaheedu yahay midanaha Fool-Xumada.

Dadkii isugu yimid goobta tartanka ayaa u arkay Sere inuu aad u qurux badan yahay, marka loo fiiriyo Masyinu, waxa ayna ku soo xoomeen garsoorihii goynaysay ninka ugu foosha-xun Zimbabwe markii ay ku dhawaaqday go’aanka kadib, waxa ayna Abigail Gwasira ku qancisay dadkii tartanka joogay waxa ay fool-xumo tahay in ay ku qiixan tahay qaamuuska, Sere-na uu la yimid sifadaas, waxaana ay tiri.

“Magaca Tartamuhu waa Mudane Fool-Xumo. Qiixitaanka Fool-Xumo-na waxa uu Qaamuuska Collins ku macneeyay in ay tahay wax kasta oo aan farxad gelineen dhaayaha. Marka waxaan raadineynay wax kasta oo dhibaaya indhaha. Saasdaraadeed, taasi waxa ay ahayd kala saaridda aan isticmaaleynay, meeshana kama marneen inaan dooneyno wax u kaliya qofka”.

Mison Sere aad ayuu u madow yahay, waxaana ka maqan dhawr xabbo oo ka mid ah ilkihiisa, hase ahaatee Masyinu oo laga guuleestay ayaa ku tilmaamay Sere inuu fool xun yahay oo kaliyah markuu qoslo. Sere, markii uu guuleystay kadib waxa uu yiri.

“Waxaan rabaa inaan uga mahadnaqo Illaah jagadan. Sidoo kalena aan u mahadceliyo garsooraha ii doortay inaan ahay Guuleestaha. Waqtigii iigu dambeeyay waan imid halkan, laakiin waxba ma helin. Maanta waxaan u mahadcelinayaa Illaaheyga i uumay”.

Intaas waxa uu racaiyay, Sere, in uu ka codsanayo mucaaradkiisa in ay aqbalaan inuu ka fool-xun yahay iyaga.

Mison Sere, oo Fool-Xumada Zimbabwe qaatay hadda, waxa uu rajeynayaa in ay tan ku caawin doonto inuu hishiisyo la galo TV-yada, si uu ruwaayado uga jilo iskuulada, una soo bandhigo fool xumadiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor