Nin Kenyaati ah oo shaaciyey yaradka uu ka bixin doono gabadha Barack Obama

Garyaqaan Kenyaati ah ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweynaha Maraykanka  ka codsan doono inuu  u guuriyo  gabadhiisa Malia Barack Obama.

Garyaqaanka  oo lagu maagacaabo Avvocate  Felix Kiprono  ayaa u sheegay WargeyskaThe Nairobian inuu Madaxweyne  Obama  la kulmi doono marka  uu bisha July booqashada ku yimaado Kenya,  si uu ugu bandhigo qorshaha uu ku doonayo inay xidid noqdaan.

Garyaqaanka  waxa uu tilmaamay inuu yarad  ahaan u bixin doono  50 neef oo lo’ ah, 70  neef oo ido ah iyo 30 neef oo ari ah haddii laga oggolaado inuu guursado  gabadhaasi.

Waxa uu tilmaamay tan iyo markii uu gaclooday Malia Obama sannadkii 2008-dii inuu joojiyey in la haasaawo haweenka kale.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay inay diyaar ula yihiin inay ka taageeraan Kharajka Caruusadda, haddii uu Madaxweyne  Obama ka oggolaado  codsigiisa.

Felix Kiprono   waxa uu tilmaamay inuu qorayo Warqadda uu Madaxweyne  Obama kaga codsanayo  inay Lammaane noqdaan gabadhiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu warqadiisa  u dhiibi doono Danjiraha Maraykanka u joogo Kenya, kana  rajeynayo inuu u sii gudbin doono Madaxweyne Obama.

Baaqa  Garyaqaankaasi  ayaan ahayn  markii  ugu horreeysay ee ay uu  Saxaafadda ku baahiyo inuu doonayo inuu guursado  mid ka mid ah labada gabdhood ee uu dhalay Madaxweyne Obama.

Sannadkii 2002-dii, nin Kenyaati ah oo lagu magacaabo Godvin Kipkemoi ayaa sheegay inuu diyaar  u yhaay inuu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Bill Clinton yarad ahaan u siin doono4- neef oo Ari ah iyo 20 neef oo Lo’ ah, si uu u guursado gabadhiisa, Chelsea Clinton

Godwin Kipkemoi, waxa uu qoraal u diray Bill Clinton oo uu u sii marsiiyey Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya, laakiisne wax jawaab ah kama helin.

Sannadkii 2006-dii ayuu Godwin Kipkemoi wxa uu guursaday gabadh ay Kollejka isla dhigan jireen.

Godwin Kipkemoi, uma rumoobin riyadiisa ahayd inuu guursado Chelsea Bill Clinton, wuxuuna geeriyooday sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu maroodi ku durduriyey.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor