Nin ka tirsanaa Alshabaab oo ku geeriyooday Xabsiga Mombasa

Maxkamadda magaalladda Mombasa ayaa ku amartay Saraakiisha Boliska inay faahfaahin ka bixiyaan sababaha uu u gereiyooday Nin la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab oo gacanta Boliska ku dhintay.

Marxuumka geeriyooday oo la oran jirey Mohamed Abdi ayaa ka mid ahaa 28 qof oo ay Boliska xireen sannadkii hore, kadib, markii laga soo dhex qabtay Masjidka Muusa oo ku yaalla Mombasa.

Marxuumka geeriyooday o la xiray bishii February 2-dii ee sannadkii hore ayaa waxa uu ku eedeysnaa 7 dacwo oo ay ugu muhiimsanaayeen inuu xubin ka haaa Alshabab, inuu haystay hub iyo qoraallo ka hadlayey Jihaadka

Garyaqaanka u dooday Marxuumkaasi ayaa sheegay inaysan boliska soo bandhigin maydka Marxumka iyo sababaha u uu geeriyooday.

Maxkamadda ayaa amartay Boliska inay keenaan caddaymo buuxda, marka ay Maxkamadda dib u qaadayso Kiiskaasi bisha July 8-da ee sannadkan.

Xigasho: Daily Nation

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor