Nin iyo Xaaskiisa oo lagu dhex dilay Hooygooda deegaan ka tirsan G/Baay

Wararka naga soo gaaraya Degmada Awdiinle ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaas lagu dilay Nin  iyo Xaas uu qabay,kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen Ganacsato Caanka ah degmadaas.

Maamulka degmada Awdiinle ayaa xaqiijiyey dilka labadaasi Ruux,kuwaas oo wararka aan heleyno ay sheegayaan in xaly Saqdii dhexe rag hubeysan ay gurigooda ugu galeen,isla markaana ay ku dhex dileen.

Dadka deegaanka iyo Maamulka degmada ayaa waxa ay sheegeen in Ninka iyo Xaaskiisa oo isku dhalay Carruur farabadan ay ka mid ahaayeen Ganacsatada degmada Awdiinle balse ilaa iyo hadda aysan garaneyn sababta loo dilay.

Saakay ayaa guriga dilka uu ka dhacay waxaa gaarey masuuliyiinta Maamulka degmada iyo dadka deriska la’ah dadka la dilay,iyaga oo aad uga naxay,waxaana dhacdadaas ay aheyd mid ku cusub degmada Awdiinle ee Gobolka Baay.

Sikastaba labadaasi ruux ee Ganacsatada ahaa ayaa lagu wadaa in Maanta lagu aaso degmada Owdiinle,welina Maamulka degmada mashaacin tallaabada xigta ee uu qaadayo maadaama gudaha degmada uu falkaasi ka dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media