Nin isku qarxin lahaa caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut oo la qabtay.

Wakaalladda Wararka Lubnaan ee Lebanon’s National News Agency ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka qabteen Nin doonayey inuu isku qarxiyo Dhismo Ganacsi oo camiran oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Beyruut.

Ciiddanku waxay sheegeen in Ninkaasi oo xirnaa suunka la isku qarxiyo lagu qabtay xilli uu doonayey inuu galo Dukaan laga qaxweeyo oo ku yaalla Degmadda Xamra oo ka tirsan magaalladda Beyruut, ahna Deegaan laga dukumenysto, laguna caweeyo habeenkii.

Wakaalladda waxay sheegtay in la dhaawacay Ninka is-qarxin lahaa, waxaana jira warar iska hor imaanayo oo ku aadan Aqoonsiga Ninka Is-qarxinta geysan lahaa.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor