Nin hubeysan oo Carruur ku laayay Iskuul ku yaalla Gobol ka tirsan Dalka Mareykanka

Nin hubaysan ayaa dilay ugu yaraan 19 carruur ah iyo laba qof oo waaweyn kadib markii uu xoog ku galay dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas Talaadadii, waana weerarkii ugu dambeeyay ee dil bareer ah oo ka dhacay Maraykanka iyo toogashadii ugu xumayd ee dalkaasi ka dhacda muddo ku dhow toban sano.

Eedeysanaha oo 18-jir ah, oo sida muuqata ay Booliska dileen, ayaa sidoo kale toogtay Ayeeydiis kahor inta uusan ka baxsan goobta, kadibna uu shil ku galay gaarigii uu ka baxsaday , isagoo kadibna weerar dhiig badan ku daatay ka geystay Dugsiga Hoose ee Robb oo ku yaalla magaalladda Uvalde, ee gobolka Texas oo 130 km galbeedka kaga beegan magaalada San Antonio.

Sababta uu dilkan u geystay ilaa hadda ma cadda.

Sida uu Tv-ga CNN u sheegay Sergeant Erick Estrada oo ka tirsan Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Texas (DPS), ciidanka booliska ayaa arkay ninka hubaysan oo sidoo kale xiran difaaca jirka, kana soo baxay gaarigii uu shil ku galay, kadibna orod ku galay gudaha Iskuulka uu weerarka ka fuliyay.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad saacado kadib, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo si muuqata ay dhacdadan saameysay ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u istaagaan u ololeynta wax ka qabashada hubka Mareykanka ee ay ka dambeyso siyaasaddu, Biden ayaa amray in calanka Maraykanka hoos loo dhigo ilaa maalinta Sabtida ah, si loogu baroordiiqo carruurta la laayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor