Nin dib u dhigay Diyaarad ay raaci lahayd saaxiibtiisa

Boliska dalka Faransiiska ayaa xiray nin la sheegay inuu bam aan run run ah ku cabsi geliyey Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla K/galbeed Faransiiska.

Ninkaasi oo 33-jir ah ayaa la sheegay inuu cabsi-gelintiisa u sameeyey si ay ugu dhacdo xilligii ay Diyaarad ay la socotay saaxiibtiisa ka hinqan lahayd Garoonka Bordeaux-Merignac.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu Maamulayaasha Garoonka u sheegay in bam la geliyey Diyaarada ay saaxiibtiisa raaci lahayd.

Boliska ayaa la sheegay inay Rakaabkii ka soo saareen Garoonkii, waxayna baaritaano ku sameeyey Diyaaradda iyo guud ahaan Garoonka, waxaana laga waayey bamkii laga digay.

Ninkii ayaa la sheegay in laga soo qabtay  meel 21-KM ka fogaa Garoonka, wuxuuna sharxay sababihii ku kallifay arrintaasi.

Waxa uu ku dooday inuu doonayey inuu dib u dhigo safarkii saaxiibtiisa, oo uu ka baqayey inuusan mar kale arki doonin. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu ninkaasi mudan karo xabsi 2 sanno iyo ganaax dhan 30,000 oo Euro oo u dhiganta 33,000 oo Dollar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor