Nin Cadaan ah oo Laba Soomaali ah Ku Toogtay Dalka Maraykanka

Anthony jury  ayaa qirtay inuu ka danbeeyey dilka laba soomaali ah, kuwaasoo cibaado u socday masaajid si ay u soo cibaadeystaan.

Anthony oo 26 jir ah daganaana Minnessotta ayaa maalintii Khamiistii falkaasi qirtay horayna waxaa loogu heystay sagaal kiis oo kale, taasoo ay ka mid tahay dil qof heer jaamacadeed ah.

Dilka soomaalida ee iminka loo heysto  Mr Anthony ayaa ka dhacay Dinkytown oo u dhow jaamacada minnesotta,

Sawina oo saaxiib la aheyd laba soomaalida  ayaa sheegtay in ay arkeysay, markii xabadaha lagu furayey waxayna ku dartay in si arxandaro ah  Anthony uu falkaasi u geystay sidaasna waxay ka dhax sheegtay gudaha maxkamada.

Ninkaan ayaa kiisas kale loo heystay, waxaana aad loogu tirayaa dadka islaam naceb, iminka ayaa maxkamada loo badinayaa inay go,aan ka dhan ah soo saarto.