Nin British oo qirtay inuu ku biiri lahaa Dagaalamayaasha Alshabaab oo xukunkiisa lagu dhawaaqi doono.

 

trevour

Maxkamadda Kingston ee dalka Britain ayaa la filayaa inay bisha soo socoto xukun ku rido nin British ah oo lagu magacaabo Trevor Mulindowa, kaasi oo bishii September 17-dii ee sannadkii hore lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow Airport ee magaalladda London.

Trevor Mulindowa oo 21 jir  ah ayaa la sheegay inuu xilligaasi safar u soo ahaa magaalladda Muqdisho, si uu ugu biiro Xarakadda Alshabaab.

Ninkaasi oo soo islaamay bishii August ee sannadkii 2013-kii ayaa la sheegay inuu Xag-jir noqday, isla markaana uu danaynayey inuu ku biiro Dagalaamayaasha Alshabaab.

Boliska ayaa sheegay in markii la qabanayey Eedeysanaha laga helay Mobaylkiisa 6 Filim oo ay ku jiraan Anaashiida Jihadistayaasha, Warar Dukumentari ah iyo Filim u gaar ah Alshabaab.

Hal Filim ayaa muujinayey Jihadiste British oo ka ambabaxay Britain si uu ugu biiro Dagalaamayaasha Islaamiyiinta ku sugan gudaha dalka Syria.

Madaxa Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ee Metroplitan Police, Richard Walton ayaa sheegay inay xilligan gacan bir ah ku qaban doonaan Muwaadiniinta Britishka ee doonaya inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan ee ka dagaalamayo qeybo ka mid ah Caalamka.

© Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor