Nin Ajnabi ah oo xalay lagu dilay Magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka  Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay  Magaaladaas lagu dilay mid ka mid ah Dadka Ajaanibta ah ee ku nool Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ninkaan uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Ilaalada Hay’adaha Ee SPU Xaruntooda Magaalada Boosaaso.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qofkaasi Ajnabiga ah lagu dilay shaki maadaama ay aheyd xili habeen ah isla markaana Askarigii falkaasi geystay uu Goobta ka baxsaday.

Masuuliyiinta Hay’adda SPU iyo kuwa Puntland kama hadlin dilka loo geystay Ninkaasi Ajnabiga ah,waxaana haatan socdo qorsho lagu soo qabanayo ninkii ka dambeeyay dilka Ninkaasi u dhashay dalka Itoobiya oo xalay lagu dilay Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media