Nin Ajnabi ah oo lagu dhex toogtay Xarun Hay’adda Unicef ku leedahay D/Wadajir

Dilkaan Ninka Ajnabiga ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir gaar ahaan Xafiiska Hay’adda Unicef ay ku leedahay Wadada laami yaraha zoobe,waxana la sheegay in lagu dhex dilay Nin u Shaqeynayay Hay’add lagu Magacaabo SKE oo qandaraasyo ka hesha Unicef.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dilkaas uu fuliyay mid ka mid ah Ilaalada Xarunta kadibna uu goobta ka baxsaday oo aan la qaban.

Weli macada sababta kad ambeysa dilka Ninka Ajnabiga ah ee u Shaqeynayay Hay’adda SKE una dhashay Dalka Uganda.una qaabilsanaa dhanka Cunto karinta.

Baaritano ayaa haatan socda kaas oo lagu badi goobayo Shaqsigii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media