Nin 14 qof oo ay ku jiraan Waalidkiisa ku gawracay Hindiya.

Ninka dilka geystay oo la oran jirey Xusnayn Warerkar ayaa la sheegay inuu Reerkiisa kala dhex kacay Tooreey, xilli ay saakayto dabaaldeg ku jireen, waxaana dadka uu dilay ka mid ahaa Labadiisa Waalid, Xaakiisa, carruurtiisa iyo dhowr gabdho oo ay Walaalo ahaayeen.

Waxaa la sheegay in uu dhamaantooda ka wada jaray Surka (Qoorta)..

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inuu dilkaasi ka dhacay Deegaanka Thaane oo 20-mayl u jira magaalladda Mumbaay.

Ninka dilka geystay oo Xisaabiye ahaan jirey, ayaa la sheegay inuu is-daldalay, kadib, markii uu dil-wadareedka geystay.

Saraakiisha Boliska ayaa sheegay inay baarayaan waxa sababay dilkaasi, isla markaana ay wareysan doonaan gabar la dhalatay Ninka dilka geystay oo haatan Isbitaalka lagu daaweynayo.

india3 india2 india

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor