Nigeria oo sheegtay inay ciiddamo u soo diri doonaan Somalia, si ay ula dagaalamaan Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Nigeria, Jeneral Maxamed Mansuur Dan Cali ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulanka ay Wasiiraadda Gaashaandhigga ee Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay soo diri doonaan Ciiddamo gacan ka geysta soo-celinta Nabadda Somalia, kana qeyb qaata Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Wasiirka waxa uu Aragtida dhinaca Milliteriga la wadaagay Shirka Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Kenya, Jabuuti, Ethiopia, Uganda iyo Burundi, oo looga hadlayey Hawlgalladda ay Ciiddanka AMISOM kula jiraan Alshabaab.

Hadalkiisa ayaa waxa uu yimid hal isbuuc kadib, markii uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheeekh Maxamuud sheegay inay Dagaalamayaasha Boko Haram tababar Milliteri ku qaataan gudaha Somalia, ka hor intaysan ku laabanin dalkooda hooyo oo ay Boko Haram ku xooggan tahay.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirkii Nabadda Caalamiga ee lagu qabtay magaalladda Munich ee dalka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay inay Alshabaab tababarka siiyaan Boko Haram.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, waxay maanta Kulan ku yeesheen dalka Jabuuti, oo ay kaga hadleen Xoojinta Hawlgalka AMISOM.

Wasiira Arrimaha dibadda ee Somalia, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa shir-guddoomiyey Kulankaasi oo lag eegay Xaalladda Ammaanka ee Somalia iyo Hawlgalka AMISOM kula dagaalamayaan Alshabaab.

 

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor