DEG DEG: Nicholas Kay Oo Xafiiska ka tagaya

Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Arimaha dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa la sheegayaa in Xafiiska uu ka tagi doono.

Lama ogga sababaha ka dambeya in Xafiiska uu ka tago  Ergaygii Qaramadda Midoobay u Qaabilsanaa Somalia.

Xoghayaha Qaramadda Midoobay Banki Moon ayaa Xilkan Nicholas Kay u Magacaabay  29 April, 2013 waxaana uu xilkaan kala wareegey Augustine Mahiga 3 June, 2013.

Mr Kay ayaa Hadda Ku sugan Magaaladda Garowe Ee Maamulka Puntland iyadoo La filayo in Halkaasi uu kulamo kula qaato Madaxweynaha Maamulka Puntland CabdiWeli Maxamed Cali Gaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor