Nicholas Kay oo walaac xooggan ka muujiyey xubnaha Alshabaab ee ku biiray Daacish.

Ergayga Gaarka ee QM ee Somalia ee xilka ka sii degayo, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxaana ku tilmaamay arrin khatar ah go’aanka ay qaar ka mid ah Alshabaab ku shaaciyeen inay ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Nicholas Kay waxa kaloo uu sheegay inaysan Xarakadda Alshabaab xagal-daacin karin Horumarka iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay Somalia ka baxday Liiska Dowladaha Fashilmay, oo ay noqotay Dowlad soo kabanayso.

“Saddexdii sanno ee ugu dambeysay Somalia waxaa ka jirtay Deganaansho Siyaasadeed iyo Horumar, balse waxaa weli harsan Shaqo badan oo ay tahay in la qabto” ayuu yiri Ergayga Gaarka ee QM ee Somalia ee xilka ka sii degayo.

Dhinaca kale, Nicholas Kay waxa kaloo uu sheegay inay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia  ahayn Hoggaamiye-kooxeedyo hubeysan oo midba kan kale la dagaalamayo, balse ay yihiin Hoggaamiyayaal ku guuleysanayo inay Wada-xaajood Siyaasadeed iyo Wada-hadal ku xalinayo arrimaha Siyaasadda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Hoggaamiyayaasha haatan ka wada hadlayaan qaabka loo qaban doono Doorashadda Madaxweynenimadda iyo Barlamaanka ee Sannadka soo socda ee 2016-ka, wuxuuna ugu baaqay Hoggaamiyayaasha inay xushmeeyaan Xilliga Dastuurka uu u xadidayo.

Mar uu ka hadlayey Madaxweynayaaasha Dowlad-gobaleedyadda waxa uu sheegay inay yihiin Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyo KMG ah, oo aad u doonaya inay fariistaan oo wada hadlaan, halkii ay ka isticmaali lahaayeen qoriga ama ay dalka kala qoqobi lahaayeen.

 Xigasho: AP

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor