Nicholas Kay oo walaac xooggan ka muujiyey cabsi-gelinta lagu hayo Suxufiyiinta

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ka jeediyey mar uu Maanta ka hadlay Kulan ay Madaxda Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ( the AU Peace & Security Council) ku yeesheen caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu weli ka walaacsan yahay cabsida lagu hayo Suxufiyiinta iyo Shaqaalaha Warbaahinadda, iyo  tallaabooyinka lagu xirayo Xarumaha Warbaahinadda iyo qalabka Warbaahinta ee ay Hay’addaha Ammaanka ka qaadaan Xarumaha Warbaahinta.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia inay u oggolaadaan inay Suxufiyiinta ku hawlgalaan jawi wanaagsan iyo Bulsho Dimuqraadi ah oo  oo aan cabsi lahayn.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Xaalladda Aadminimo ee Somalia, wuxuuna xusay inay 730,000 oo Somali ah awoodin inay helaan cuntada asaasiga, halka 2.3 million oo kalena qarka u saaran yihiin xaallad adag, iyadoo 1.1 million oo ka mid ah weli ku nolol qaataan bara-kac.

Nicholas Kay waxa kaloo uu khudbnadda uu ka jeediyey Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ( the AU Peace & Security Council) ku xusay inay xaalladdu ka sii dari doonto, haddii aanu roob badan ka da’in Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ay Beesha Caalamka ka codsadeen kharaj dhan 863 million oo Dollar oo wax looga qabto xaalladaha Samafalka Aadminimo, balse ay heleen 100 million oo Dollar oo keliya.

Waxa uu sheegay inay dhibaato laga kulmay Xawaaladaha Soomaalida ee la xiray iyo Qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararayo dagaalladda ka socda dalka Yemen, kuwaasi oo uu xusay inay xaalladda ka sii dari karaan.

Xigasho:- UNSOM

KAY 1 KAY

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor