Nicholas Kay oo sheegay in Hawlgalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al Shabab uu marayo marxalladihii ugu dambeeysay

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu xalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee QM ee magaalladda New York, kadib, markii uu wada hadal aan toos ah la yeeshay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM.

Ambassador Nicholas Kay waxa uu tilmaamay in xaalladda dalka Somalia inay tahay mid iska cad, isla markaana u jiheystay soo-kabashadda siyaasadda iyo xoojinta ammaanka.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Soomaalida meel iska dhigeen khilaafyaddii Siyaasadda iyo Ammaanka, isla markaana ay si wadajir ah uga soo kabanayaan sannooyinkii dagaalladda ka jireen Somalia.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Nicholas Kay waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Hawlgalku galay marxalladdii ugu dambeysay ee looga guuleysan lahaa Dagaalamayaasha Alshabaab.

Warbixin uu Nichola Kay uu bishii May ee la soo dhaafiyey u gudbiyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ku sheegay in juhdi badan la geliyey dadaallada dhinacyadda Siyaasadeed, Federalka, Dib-u-heshiisiinta, si loogu guuleyto qorshaha Hiigsiga ee sanandka 2016-ka.