Nicholas Kay oo naqdiyey Moshinka ay Mudanaayaasha Barlamaanka ka gudbiyeen Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa si kulul u naqdiyey dadaalka ay qaar ka mid ah Mudanaayasha ka keeneen Moshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, wuxuuna xusay inaysan Somalia waqti ku lumen karin Siyaasad hor u keentay inay burburto Nidaamka Dowladnimo ee Somalia.

Nicholas Kay oo la hadlay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, ayaa sheegay inkastoo ay QM xushmeynayso Xuquuqda Barlamaanka , haddana Somalia kuma lumen karto waqti kale Qalalaaso Siyaasadeed.

“Waxaa kaloo aqoonsanahay inay Golaha Ammaanka ee QM si  cad u muujiyeen in Somalia ka dhacdo Doorasho Dimuqraadi sannadka soo socda, iyadoo aan la oggolayn Xilli-kordhin” ayuu yiri Nikolas Kay.

Waxa uu intaasi ku daray inay isaga aad ula adag tahay inuu arko qaabka uu Mooshinka u oggolaan karo in la gaaro Hiigsigaas, oo khatar u keeni kara dib-u-dhac ku yimaada Hannaanka Doorashadda Somalia.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay waxa uu ugu baaqay Hay’addaha Dowladda Somalia inay sii wadaan shaqooyinka sida ay u kala muhiimsan yihiin, gaar ahaan Dib-u-eegista Dastuurka, oo uu ku tilmaamay inuu xuddun u tahay Dhismaha Dowladnimo iyo Dowlad Wanaagga.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor