Nicholas Kay oo Madaxweyne Gaas cadaadis saarayo.

Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ee xilka ka sii degayo, Nicholas Kay iyo Diplomaasiyiin kale ayaa maanta gaaray magaalladda Gaalkacayo.
Ergadda la socota Nichola Kay waxaa ka mid ah Ergayga Gaarka ee EU-da ee Somalia, Michele Cervone D’urso, waxayna doonayaan inay Madaxweynaha Puntland ku qanciyaan inuu oggolaado inuu la kulmo dhigiisa Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed.
Ergadda Beesha Caalamka, waxay kaloo  halbeeg ku sameeyaan Aragtida Madaxda Puntland iyo Galmudug ee  ku aadan Dagaalka Gaalkacayo iyo sidii lagu gaari lahaa  xal dhamaystiran.
Dhinaca kale, booqashadda Wafdiga Beesha Caalamka ku tageen Magaalladda Gaalkacayo ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Israsaasayn ka socoto halka loo yaqaano Cagaar-weyne ee Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacayo.
© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor