Nicholas Kay: “Ciiddanka Dowladda waxay AMISOM kala wareegi doonaan Hawlgalka lagula dagalamayo  Alshabaab”.

Ergaygii hore ee QM ee Arrimaha Somalia ee maanta ka degayo Xilkaasi, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas aah oo uu siiyey Wargeyska Maalinlaha ee Nation kana soo baxa magaalladda Nairobi.

Waxa uu sheegay inay Beesha Caalamka isku keen 20,000 oo Ciiddan Somali, kuwaasi oo la rajeynayo inay la wareegaan dagaalka Alshabaab, marka ay Ciiddanka Kenya ku dhawaaqaan inay Somalia ka bixi doonaan.

“Ciiddanka Soomaalida oo ay ku jiraan Garabka Boliska, ma aha inay AMISOM ku taageeraan dagaalka Alshabaab, balse waa inay buuxiyaan xuduudka ay banneeyaan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM” ayuu yiri Nicholas Kay.

Wuxuuna intaasi ku daray inaysan AMISOM doonaynin inay weligooda sii joogaan Somalia, wuxuuna ka rajeeyey Milliteriga iyo Boliska Somalia inay hawlahaasi la wareegi doonaan, isla markaana ay dhowri doonaan Amarka Guud.

KAY 1Nicholas Kay oo muddo 2 sanno iyo bar hayey xilka Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, waxa kale oo uu Wareysigiisa ku soo qaaday arrimaha Siyaasadda, Federalismka, Ammaanka, Nolosha iyo Horumarka Somalia, wuxuuna xusay in guulo laga gaaray dadaalka Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia, lana rajeynayo inay Somalia doorasho ka dhacdo bartamaha sannadka soo socda ee 2016-ka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inuu dadka Soomaaliyeed 70% yihiin Dhallinyarro ay da’doodu ka hooseyso 35 jiro, iyadoo ay 80% dhallinyarradu yihiin kuwo aan shaqo haysanin.

Dhinaca kale, Nicholas Kay ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York si uu Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM warbixintiisa ugu dambeysay ka siiyo Xaalladda Somalia, ka hor inta uusan Xilkaasi ku wareejin Ergayga cusub ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating oo ah Diplomaasi u dhashay Britain.UN ENVOY

Nicholas Kay oo xilka qabtay bishii June 3-dii ee sannadkii 2013-kii, waxaa ka sii horreeyey Ambassador Augustine Philip Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania.

MAHIGA

©Radio Dalsan                         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor