NGO ay Soomaalida ku leeyihiin Maraykanka oo laga codsaday soo-celinta Kharaj loogu talagalay Adeegga Qaxootiga

Hay’adda Dowladda Maraykanka ugu qaabilsan Kharajka Daryeelka Caafimaadka ee Gobalka Minesotta (MNsure) ayaa waxay ku amartay Hay’adda aan Dowli ahayn ee The St. Cloud Area Somali Salvation Organization (SASSO) inay dib u soo celiyaan kharaj Maalgelin oo dhan in ka badan 90,000 oo Dollar

Bishii May ee sannadkan ayey Hay’adda Dowladda Maraykanka ugu qaabilsan Kharajka Daryeelka Caafimaadka ee Gobalka Minesotta (MNsure) waxay joojisay Qandaraaska, kadib, markii walaac laga muujiyey Awoodda Aqooneed ee ay Hay’adda SASSO u leedahay qaabka loo bixiyo Kharajka lagu maalgeliyey.

Bishii la soo dhaafay, Hay’adda MNsure waxay gaartay go’aan noqday kii ugu dambeeyey, waxayna Hay’adda ku hawlan tahay sidii loo soo celin lahaa Kharaj dhan 91,867 Dollar oo lagu maal-geliyey NG0-ga ay leeyihiin dad Somali-Maraykan deggan magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.

Afhayeenka Hay’adda MNsure, Joe Campell ayaa sheegay inay qaateen mas’uuliyadda ka saaraan indha-indheynta qaladka aadka ugu xun ee lagu sameeyey Dollarkii Dowladda bixisay, wuxuuna ugu baaqay SASSO inay dib u soo celiyaan Kharajkii lagu maalgeliyey.

Dhinaca kale, Farhan Mohamoud oo ka mid ah Saraakiisha NGO-ga SASSO waxa uu beeniyey inaysan wax isdaba marin ah samaynin, isla markaana la arki karo Qaabka loo kharaj-gareeyey Maalgashiga MNsure.

Hay’adda aan Dowli ahayn ee The St. Cloud Area Somali Salvation Organization (SASSO) waxaa la asaasay sannadkii 2001-dii, waxaana loogu talagalay inay Qaxootiga Soomaalida ee yimaada magaalladda St. Clouds ka taageeraan baahida Asaasiga, inkastoo ay Hay’adda haatan ka shaqeeyaan Dhallinyarro aan u dhiifoonayn Kharj-garaynta Maalgashiga ay Dowladda Dhexe ee Federalka Maraykanka bixiyaan.

© Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor