Natiijooyinka Shirkii Istanbul waxa uu dhaqangal noqon karaa marka ficil ahaan looga dhabeeyo.

Maalmihii Talaadada iyo Arbacadda ee Isbuucan waxa Shirweyne Caalami ahlagu qabtay magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo ay Dowladda Somalia iyo Ergooyinka Dowladaha Caalamka kaga arrinsanayeen Geeddi-socodka Siyaasadda Somalia, Nidaamka Doorashooyinka iyo Xilliga Kala-guurka Dowladeed.

Madax fara badan oo ka kala socda Dowladda Federalka, Maamul-gobaleedyadda Dhisan, kuwa caqabadeysan yihiin Dhismooyinka, Ururradda Bulshadda Rayidka iyo xubno kale ayaana loo daabulo dalka Turkiga, si ay uga qeyb galaan Shirweynaha Siyaasadda, oo ay feer socdeen Shirarka Ganacsiga, Maalgashiga iyo kuwa Ururradda Dhallinyaradda iyo Haweenka.

Borotokaal ahaan Wafuud halkaasi tegay waxa laga dareemayey isku-dhex yaac baahsan, inkastoo marka sheeda laga eego u muuqdeen kuwo Nidaamsan.

Markaynu diiradda saarno, dhinaca La-hadalka Warbaahinta ee Xaalladaha Shirka ayaa waxa laga dareemay Jaantaa Rogan iyo inuu Mas’uul kasta u xusul-duubayey sidii uu Idaacadaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga codkiisa ugu gudbin lahaa Wararka ku aadan Hawlaha Shirkii Istanbul.

Calawga ka muuqda arrimahaasi, ayaa waxaa la qiri karaa in Barotokool ahaan ahayd in looga dambeeyo  Afhayeenka Madaxtooyadda, Daa’ud Aweys Jaamac oo isaga aan lagu ciseynin La-hadalka Koowaad ee Xog-siinta Warbaahinadda.

Waxaa jirta inay xubno Heer Wasiir oo aan shaqo ku lahayn La-hadalka Warbaahinta, kuwaasi oo si aan Nidaam ahayn isugu ciriirinayeen Wareysiyadaha Idaacaada  ku hadla Afka Soomaaliga.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Shirka Istanbul waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 31 qoddob oo si muuqata loogu bayaamiyey Hawlaha la qabtay,  Fursadaha la baylihiyey iyo Shaqada Adag ee Dowladda Federalka horyaalla 7-da  bilood ee ugu harsan Xilli-hawleedkii 4-ta sanno ee loo idmaday.

Qoddobadda ugu mugga weyn ee ku qornaa War-murtiyeedka Istanbul waxaa ka mid ah:- Taageeridda Dowladda ee marxalladda Hab-raaca Xilliga Kala-guurka ee sannadkan, Doorashadda dalka ka dhici doonta dabayaaqadda sannadkan, Dib-u-eegista  Dastuurka Qaranka, Xoojinta Ammaanka, Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo Qorshaha Horumarinta Somalia ee afarta sanno ee soo socota.

Wafuud ka kala socotay  ilaa 50-Dowladood iyo Hay’addo Caalami ah ayaana ka soo qeyb galay Shirka Istanbul oo qeyb ka ah Shirarka Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Nabadda iyo Dowladnimo ee Somalia, waxayna Beesha Caalamka inay Dowladda Federalka siinayaan  taageero Dhaqaale iyo mid Diplomaasiyadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Natiijooyinka ka soo baxay Shirka Istanbul waxa uu miro-dhal noqon kara marka ay Dowladda Dhexe, Maamul-gobaleedyadda iyo Bulshadda Soomaaliyeed si ficil leh ugu midoobaan Taabagelinta War-murtiyeedka Istanbul, inkastoo ay Maamulladda Puntland iyo Somaliland ganafka ku dhufteen  inay aqoonsadaan Natiijooyinkii ka soo baxay Shirkii Istanbuul.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor