Natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyey Qaraxii diyaaradda Daallo

Muqdisho, February 6, 2016——-Baaritaano lagu sameeyey diyaaradii Daallo Airlines AIRBUS 321 flight nambarkeeduna ahaa 3159 una socotay Djibouti, ayna saarnaayeen 74 qof oo rakaab ah iyo 7 shaqaale ah, ayaa 20 daqiiqo oo ay hawada ku jirtay kadib si deg deg ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cabdulle kadib markii uu ka dhex dhacay Qarax.

Baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen khubaro Soomaali iyo kuwo caalami ah, waxay xaqiijinayaan in Qaraxii ka dhex dhacay diyaaradii Daallo Airlines uusan aheyn mid ka dhashay cilad farsamo, ee uu ahaa mid loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa.

Ciidamada Amniga waxay gacanta ku dhigeen dadkii lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay gudaha diyaaraddaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socodsiineysaa dadweynaha ka dhoofa, kana soo dega garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo amniga. Waxaana laga codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka ee u heelan sugida amnigooda.

——DHAMMAAD—–

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor