Natiijadda Shirka Cadaado: Ma Caleemo-saar mise caqabad kale ?

Dib-u-dhac baahsan, guux-hoosaadyo iyo Loolan Shaqsiyadeed, kuwa Maamul iyo mid Beeleed ayaa waxa uu ragaadiyey in mar uun dhidibadda loo taago Maamul-gobaleed ay ku mideysan yihiin Beelaha ku wada nool Goballadda Dhexe ee Somalia.

Dhowr bilood ayeyna soo jiitamaysaa abaabulka Shirweynaha lagu dhisi doono Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia, si ay ugu soo biiraan Maamulladda hoos imaanaya Dowladda Dhexe ee Federalka Somalia.

Waa hubaal inay caqabado ku hor gudban yihiin Yegleelista Maamulkaasi, iyadoo ay Maamulladda haatan ka jira Goballadda Dhexe yihiin kuwo is barbar yaacayo oo aan ku mideysnayn Mustaqbalka Goballadda Dhexe.

Shirkii hordhaca ee ay Odayaasha beelaha dhawaan ku soo gebagebeeyeen magaalladda Dhuusa-ma-reeb ayaa laga tusaale qaadan karaa muddadii uu soo jiitamayey iyo caqabadihii la xaliyey ee ka dhashay Shirkaasi.

Ilaa iyo haatan waxaa weli taagan Isbaaro-siyaasadeed, iyadoo Maamulka Ahlu-sunna Wal-jameeca ee Goballadda Dhexe ka aamusan yihiin inay caddeeyaan Bareerahooda, maadaama ay horey uga mid ahaayeen Saxiixayaasha dhinacyaddii ku heshiiyey Dhismaha Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Maamulka Ximin iyo Xeeb, oo iyagu dhigayo gogosha Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ayaa waxa weli ku taagan Utin-siyaasadeed iyo Lex-jeclo, wuxuuna Maamulkaasi ku haminayey in loo codeyn doono inay magaalladda Cadaado noqonayso caasimadda Maamulka Bartamaha Somalia.

Madaxweynaha Maamulka  Ximin iyo Xeeb, C/llaahi Cali Maxamed “Baar-leex” ayaa si bareer ah u saluugay go’aanka Madaxweynaha Dowladda Federalka, Md. Xasan Sheekh Maxamuud ku iclaamiyey inay caasimadda Maamulka Bartamaha Somalia tahay magaalladda Dhuusa-mareeb oo ku mataanaysan caasimadda Gobalka Galgaduud.

Sidaasi oo ay jirto, Madaxweyne Baarleex iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Jeneral Cabdi Qeybdiid ayaa iyagana ku afeeftay in dadka Deegaanka loo madax-baneeyo Dhismaha Maamulka Bartamaha Somalia.

Farriintaasi ayaa u muuqan karta Isbaaro-siyasaadeed dib u dhigi kara Furitaanka Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe oo lagu wado inuu maanta ama berri ka furmo Cadaado.

Markaynu doc kasta ka jaleecno Hamiga qarsoon ee Hoggaamiyayaasha Siyaasadda iyo kuwa Dhaqanka ee Goballadda Dhexe, waxaynu dhihi karnaa inaysan farri ka qodnayn in si sahlan loo dhidbo Maamulka Bartamaha Somalia, maadaama ay jiraan hawlo badan oo xalinteeda aysan maalmo ku dhamaan karin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la isweydiinayaa Maxaa laga filan karaa Shirka Cadaado ? Ma lagu heshiin doonaa Awood-qeybsiga ? Yaa ku guuleysan doona Madaxda Maamulkaasi? Natiijadda Shirka Cadaado: Ma Caleemo-saar mise caqabad kale ?

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor