NAIROBI: Guddiga Dugsigii gabadha lagu kufsaday oo la kala diray.

Wasiirka Waxbarashadda ee dalka Kenya, Aamina Maxamed waxay hawshii ka joojisay Guddiga Dugsiga Gabdhaha ee (Moi Girls’ School) ee magaalladda Nairobi, kadib, markii gabar Ardayad ah lagu kufsaday Dhismaha Jiifka ee Dugsigaas

Maamulihii Dugsiga (Moi Girls’ School), Jael Mureithi waxaa iyadana loo diray Hawlgab la soo horumariyey, sida ay sheegeen Guddiga Adeegga Macallimiinta Kenya

Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashadda ee dalka Kenya, Aamina Maxamed waxay amartay in  dib-u-habayn lagu sameeyo Ammaanka Dugsigaasi oo ku fahiya 42 acre, waxayna xustay in marka isbedelka lagu sameeyo Ammaanka inay Ardayda, Macallimiinta, Waalidiinta, shaqaalaha iyo dadka kale ee soo galaya Dugsiga la baari doono, ka hor intaysan gudaha u sii gudbin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media