Nabadoon Caan ah oo laga afduubtay degmada Walaweyn

Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gurigiisa xalay kala baxay Nabadoon Caanka ah degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu magacaabaa Nabadoon Siidow Axmed Shinbirow,waxana ilaa iyo hada jirin cid cadeysay sababta Nabadoonkaas loo kaxeestay iyo cida ka dambeeysa afduubkiisa.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan xiriir la sameynay ayaa Dalsan u sheegay in aysan weli garaneyn sababta loo afduubtay Nabadoon Shinbirow, balse ay maqleen in lala aaday dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Bali-Doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaanan noo suurtagelin xiriir aan la sameynay maamulka degmada Walaweyn si aan wax uga weeydiino afduubka xalay loo geestay Nabadoon Siidow Axmed Shinbirow.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media