Nabadoon Caan ah oo Caawa lagu dilay degmada Dharkenleey

Wararka Caawa naga soo gaaray qeybo ka mid ah degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Xaafada Macmacaanka lagu dilay Nabadoon Caanka ah degmadaas.

Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa Xiligii Salaada Cishaha isagoo ka soo baxay Masjid uu ku dukaday Nabadoon Geedi Firdhiye ay halkaasi ku toogteen.

Macada sababta ka dambeysa dilka Nabadoonka,iyada oo Kooxdii ka dambeeysay dilka ay Goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada dharkeenley ayaa hada ku sugan goobta dilka ka dhacay iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Maamulka degmada Dharkenley ayaan xiriir la sameynay si aan waxa uga weeydiino dilkaas balse kama uusan jawaabin taleefoonadeena.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media