Naakhuude lagu eedeeyey inuu Tahriibayaal nool Badda ku tuuray oo dil lagu xukumay.

Maxkamadda Gobalka Sanaag ayaa shalay la soo taagay Eedeysanayaal lala xiriirinayo inay ku tacadiyeen Tahriibayaal la socotay dooni dhawaan ku cilladowday Xeebaha Gobalka Sanaag, kuna sii jeeday Xeebaha Yemen.

Naakhuudihii Doonidaasi oo lagu magacaabo Axmed Cumar C/raxiim “Canjeex” ayaa lagu xukumay Dil Toogasho ah, kadib, markii lagu helay inuu dad nool uu ka tuuray Doonida oo ay la socdeen Tahriibayaal Somali iyo kuwa Ethiopian ah.

Maxkamadda waxay kaloo xabsi hal sanno iyo ganaax dhan 15-millionka ee Lacagta SL ku xukuntay Maxamed Bashiir Maxamed, kaasi oo lagu helay inuu garaacid arxan-darro ah u geystay Tahriibayaasha, gaar ahaan kuwa iyagoo nool lagu tuuray Badda.

Maxkamadda Gobalka Sanaag, waxay kaloo Xabsi 1-sanno iyo ganaax 15 million oo SL ku xukuntay Maxamed Yaasiin Cali oo lagu eedeeyey Tahriibinta dadka laga soo buuxiyey doonidaasi ka soo shiracaatay Xeebaha magaalladda Bosaaso.

Bishan 8-dii ayey ahayd, markii ay Ilaaladda Somaliland gacanta ku dhigeen dooni ay la socdeen  72 Tahriibayaal nool, oo ay cillad ku qabsatay Xeebaha Sanaag.

Ilaaladdu waxay sheegeen inay doonida ka dhex heleen 10-mayd ah iyo dad aad u macluulsanaa, kuwaasi oo haatan lagu baxnaaninayo Isbitaal ku yaalla magaallo-madaxda Gobalka Sanaag ee Ceerigaabo.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor