Muxuu salka ku hayaa Kacdoonka Qowmiyadda Oromiya ee Ethiopia ?

Qowmiyadda Oromiya waxay ka mid tahay Qowmiyadaha ugu ballaaran Qowmiyadaha wada deggan dalka Ethiopia.

Tirada Guud ee Qowmiyadaasi waxaa lagu sheegay  25-million oo qof, waana 40% tirade guud ee Dadka Ethiopia oo haatan caga-cagaynayso in ka badan 82-million oo qof.

Qowmiyadda Oramiya waa dad badankooda Muslim ah, waxaana la sheegaa inay 47.5% yihiin Muslimiin Sunni ah.

Waa dad Aqoonyahanno iyo Ganacsato u badan, waana dad Xadaarad ku leh Ilbaxnimadda iyo Diinta Islaamka.

alanwar msque, markato, addisMasjidka ugu weyn ee Alanwar ee ku yaalla bartamaha magaalladda Addis Abeba ayaana ah Xuddunta Faafinta Diinta Islaamka ee Ethiopia, waxaana Masjidkaasi la dhisay sannadkii 1922-kii.

Masjika Jamaaca ee Al-anwar waxa ku hareer yaalla Suuqa Furan ee Markaato, kaasi oo ah Suuqa ugu weyn Qaaradda Afrika.

Markaynu u soo laabano, xaalladda haatan ka dhex aloosan Dowladda Federalka Ethiopia iyo Qowmiyadda Ethiopia ayaan ahayn mid haatan ugub ah, waxay soo taxnayd sannooyin badn.

OROMIA 2Shakiga labada dhinac ayaa yimid markii uu geeriyooday Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Ethiopia, Meles Zenawi, iyadoo ay Dowladda qorsheynaysay inay Duqa magaalladda Ethiopia u magacaabaan Xaaskii uu ka geeriyooday Meles.

OROMIA 1Qowmiyadda Oromia wey ka horyimaadeen Hindisahaasi, waxayna Dowladdu haatan bedeshay Shaxda, waxayna sheegtay in ay la wareegayso dhul ku yaalla hareeraha Addis Abeba, si looga dhigo dhulka Beeeaha ee Oromia looga dhigo dhul laga dhiso Mashaariic Ganacsi..

Xiisadda ayaa haatan cirka isku shareertay, waxaana dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay dhacay Dibadbaxyo rabashado watay, waxaana la gubay Gaadiid, Dhismooyin iyo Xarumihii Dowladda.

Dowladda Maraykanka waxay walaac xooggan ka muujisay Qalalaasaha ka socda Gobalka Oromia, iyadoo Dibadabaxayaashu ka caraysan yihiin in Dhul-beereedkooda loo beddelo Dhul ku horumarsan dhinaca Ganacsiga.

Ku-xigeenka Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mark Toner waxa uu Waaberigii hore ee maanta (Sabti) ku booriyey Dowladda Federalka Ethiopia inay oggolaadaan Dibadbaxyadda Nabadeed iyo in wada-xaajood lagu dhameeyo xiisadda.

Waxaa kaloo uu ugu baaqay Dibadbaxayaasha inay joojiyaan dibadbaxyadda rabshadaha wata iyo inay Dowladda la furan Wada-xaajodo.

OROMIA 330R0MIA 9999
Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay maanta shaacisay inay hayaan caddaymo muujinaya in ku-dhawaad 75 Dibadbaxayaal la dilay dhowrkii isbuuc , iyadoo ay Ciiddanka Dowladda toogteen.

OROMIA 001Hay’adda waxay kaloo sheegtay inay jiraan Dibadbaxayaal badan oo ku dhaawacmay Rabshadahaasi.

Dowladda Ethiopia waxay bishan December 15-dii sheegeen inay Dibadbaxayaasha xiriir toos ah la leeyihiin Ciiddamo hawlgallo ka soo qaatay Kooxo kale oo Argagixiso ah.

Ciiddanka Dowladda Ethiopia ee La-dagaalanak Argagixisadda ayaa la sheegay inay haatan la wareegeen inay wax ka qabtaan Dibadbaxayaasha.

OROMIA 888Hay’adda kale ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxay tirada dhimashadda gaarsiisay ugu yaraan 40-qof.

Dowladda Ethiopia waxay iyadana sheegtay in 5 qof oo keliya lagu dilay Dibadbaxyadda ay Qowmiyadda Oromia ka wadaan duleedka Addis Abeba.

Si kastaba ha ahaatee, Qowmiyadda Oromia Kacdoonkooda kuma koobna dhulka laga boobayo, balse waxay gocanayaan Sed-bursi Siyaasadeed iyo mid Bulsho, iyagoo ah Qowmiyadda ugu tirada badan Ethiopia.

Sidoo kale, uma madax-bannaana Ismaamul-gobaleedkooda, waxayna Qowmiyadaasi deggan yihiin dhul buuraley Taag ah oo ku fiican beeraha iyo dhaqsahadda xoolaha

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor