Muxuu Prof. Jawaari u noqday Guddoomiyaha Dooran ee la Dooran doono..??

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa wada loo saadaalinayaa inuu mar kale xilkaasi maanta ku soo bixi doono mar kale si uu qabyada u dhameystiro.

Jawaari oo aan olole badan gelin, isla markaana musharaxnimadiisa xilli danbe ku dhawaaqay wuxuu si aan la fileyn u noqday shaqsi ay iska aqbalsan yihiin siyaasiyiinta oo dhan iyo musharixiinta kala duwan.

Haddaba haddii aan eegno arrimaha keenay in Jawaari fursadan si sahlan ku helo kadib muranka dheer ka taagnaa hogaankiisa waxaan ku soo koobi karnaa arrimaha soo socda:

  1. Inuusan jirin musharax u dhigmi kara aqoon ahaan iyo khibrad ahaan oo ka soo jeeda beesha xilkan loo qoondeeyay ee Digil iyo Mirifle.
  2. Isbedel siyaasadeed weyn oo aanay suuragal ahayn inuu dalka ka dhaco siiba in xilalka waaweyn ee dowladda Soomaaliya loo kala wareejiy beelaha sida uu ololaha ugu jiray madaxweynaha Koonfur Galbeed.
  3. In Prof. Jawaari aanu cidna col siyaasadeed kala dhaxeyn, isla markaana uu yahay shaqsi aan lagu aqoon go’aano qayaxan.

Arrimahan oo dhan waxay saamaxeen in dib u doorashada Jawaari ay noqoto mid la iska wada aqbalo. Arrinta ugu darran ee musharaxan ka cabsi qabay ayaa ahayd in lagu dhejiyo mid ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha, isagoo taasi og ayuuna khudbadiisii Baarlamaanka ee musharaxnimada ku caddeeyay inaysan jirin cid wadata iyo cid uu isagu wato midna, taasina ay tahay arrin lagu doonayo in isaga siyaasad ahaan lagu khaarijiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor