Muwadin Somali-British oo lala xiririirinayo Alshabaab oo lagu xiray Kenya

Ciiddanka Boliska ee Kenya, ayaa sheegay inay su’aalo weydiinayaan Muwaadin Somali-British lagu magacaabo Ali Abubakar Ahmed, kaasi oo ay Boliska ku qabteen xilli uu ka soo ambabaxay magaalladda Mombasa, kuna soo jeeday magaalladda Nairobi.

Taliye ka tirsan Ciiddanka Boliska Kenya oo lagu magacaabo David Kerina ayaa sheegay in Muwaadinka Somali-Britishka la qabteen labo nin oo Kenyan ah, oo lagu kala magacaabo Moses Tedi Mabigi iyo Misheel Koj Koskey kuwaasi oo la socday Ali Abiubakar Ahmed.

Sarkaalkaaasi, waxa uu tilmaamay in La-tuhunsaha Somali-Britishka hayto Baasaboorka British, isla markaana uu horey safar ugu tegay dhowr dal oo ay ka mdi yihiin Tanzania, Yeman iyo Somalia.

Taliyahaasi waxa kaloo uu xusay inay Dowladda Kenya la xiriireen Dowladda British, si ay gacan uga geystaan Aqoonsiga iyo Taariikhda Muwaadinkaasi.

Dhinaca kale, Muwaadinka Somali-Britishka iyo Labada Kenyanka ee lala qabtay ayaa waxaa su’aalo weydiinayo Koox ka tirsan Laanta Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, si loo ogaado haddii ay gacansaar la leeyihiin Kooxahaasi.

Qabashaddaasi ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Kenya ka jirto cabsi la xiriirta inay Dagaalamayaasha Alshabaab hawlgallo ka fuliyaan guidaha dalkaasi.

Bishii April 2-dii ee sannadkan, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 148 qof oo u badnaa Arday.

 

 © Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor