Muwaadiniinta Britain oo aad u naqdiyey deeqaha Lacageed ee la siiyey dalal ay Somalia ka mid tahay.

Iyadoo ay dalka Britain maasheeyeen daadad ka dhashay Roobab aan horey loo arkin oo ka da’ayo dalkaasi ayaa waxay Dadka Reer Britain isweydiinayaan Kharajka Kooban ee ay Dowladda Britain u qoondeysay in wax looga qabto Masiibooyinka Dabiiciga sida Daadadka xilligan saameeyey dalkaasi.

Wargeyska maalinlaha ee The Mail kana soo baxa magaalladda London  ayaa maanta qoray Qeylo-dhaanta Dadka Britain ka muujinayaan Xaalladda Adag ee ay kala kulmayaan Roobabka Daadadka wata iyo sida ay u kala xanibeen magaallooyinka, waxayna dadka Doonyo u adeegsanayaan si ay ugu kala gooshaan Degmooyinka ay biyaha dhex ceegaagaan.

Qeylo-dhaan naqdin xambaarsan ayaa ka imaanayso Miisaaniyadda ay Dowladda Britain ugu talagashay in wax looga qabto Masiibooyinka Dabiiciga sida Daadadka xilligan saameeyey guud ahaan dalkaasi, iyadoo Miisaaniyadda Dowladda Britain ugu tala-gashay Ka-hortaga Daadadka ee Britain waxay hoos u dhacday 14% marka la barbar dhigo Miisaaniyaddii sannadkii hore.

Dhinaca kale, Wargeyska The Mail waxa uu dabagal ku sameeyey Deeqaha Britain ee loogu talagalay Ka-hortagga Daadadka ee Caalamka, iyadoo inta badan Dowladaha loogu yeero kuwa ku caan baxay Musuqa Baahay ay Dowladda Britain sannadkii hore siisay in ka badan Hal Bilyan oo Geniga Istarliinka (UK Pound).

Wargeyska waxa uu soo bandhigay Kharajka ay Dowladda Britain siisay 20 ka mid ah Dowladahaasi figta sare kaga jira Musuqa si ay ugu adeegsadaan Mashaariicda looga hortagayo Daadka, waxaana Kaalmadda ugu badan la siiyey Somalia, sida uu Wargeysku qoray.

28D_CORRUPT STATESDowladaha kale ee Liiskaasi ku jira waxay kaloo ka mid ah: Waqooyiga Kuurya, Suudaan, Afgaanistan, Koonfurta Suudaan, Ciraaq, Turkuministaan, Usbakistan, Liibiya, Eritrea, Burundi, Zimbabwe, Yemen iyo kuwo kale.

Lacagaha ay Dowladda Britain bixisay si loogu adeegsado Hawlaha looga hortagayo Fataahadda Daadadka ayaa waxay dhan tahay  £123.8 million ee UK Pound.

daadad 4

daadad 3 daadad 1 daadad 6 daadad8 daadad000 daadad8 daadad 7 daadadka

Xigasho: The Mail      

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor