Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray Jesiiradda Malta

Ciiddanka La-dagaalanka Daroogadda iyo Dembiyadda ee Jesiiradda Malta ayaa la sheegay inay Hawlgal ay ka fuliyeen Deegaanka Pasevile ku soo qabteen lix qof oo haystay noocyadda Daroogooyinka Khatarta ah.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay 6 qof oo u kala dhalatay Somali iyo Maltese ku soo qabteen Hawlgalkaasi, isla markaana gurigooda laga helay Xashiish iyo Daroogooyinka  khatarta ee Kokaa’iin iyo Murjuwaan.

Eedeysanayaasha la qabtay oo da’dooda u dhexeyso 16 ilaa 30 jir ayaa waxay weli ku jiraan gacanta Boliska, iyadoo maalmaha soo socda la hor-geyn doono Maxkamadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor