Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray dalka Zambia

Waaxda Socdaalka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay Xabsiga dhigeen Muwaadin Somali ah, halka mid kalena laga soo masaafuriyey dalkaasi.

Shabakadda Wararka ee Lusakatimes.com ayaa qortay inay Ciiddanku qaadeen Hawlgal lagu baadi-goobayey Ajaaniib la sheegay inay ku lug leeyahay Hawlaha Tahriibka ee dadka lagu soo geliyo dalkaasi iyo kuwa u sii gudba dalka Koonfu Africa.

Hawlgalkaasi oo ka dhacay guud ahaan dalka Zambiaa ayaa la sheegay in 5 Ajaaniib ah oo uu ku jiray Muwaadin Somali ah oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Lusaka.

Dhinaca kale, Muwaadin Somali ayaa laga soo  masaafuriyey magaalladda KABWE eedalkaasi, kadib, markii uu soo dhamaystay Xabsigii uu ku muteystay imuu si sharci-darro ah ku joogay Zambia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media