Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfurta Suudaan

Labo Dareewal oo Somali ah ayaa lagu dilay magaalladda Rumbek  oo caasimad-gobaleedka Gobalka Harooyinka ee K/Sudan ee Rumbek.

Dareewalladaasi oo ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Shidaalka ee Dalbit International ayaa waxaa la weeraray iyagoo waday gawaarida Booyadlayaasha ee shidaalka, kuna sii jeeday Gobalka Baxarul-qasaal.

Ganacsade Muuse Khaalid oo ku sugan magaalladda Rumbek ayaa sheegay inay kooxo hubeysan tacshiirad ku fureen Dareewaladaasi oo waday gaadiid shidaal.

Isagoo la hadlayey Wargeyska ST ayaa waxa uu sheegay in weeraradaasi lagu dilay  shan qof oo kala ah: 2 Dareewal oo Somali ah, Ganacsade u dhashay Uganda  iyo nin u dhashay dalka Koonfurta Suudaan.

Ganacsadahaasi ma sheegin magacyadda Marxuumiinta Soomaalida ee lagu dilay dalkaasi.

Wasiir-gobaleedka Dowladaha Hoose iyo Xoojinta Sharciga ee Gobalka Harooyinka ee dalka Koonfurta Sudan, Jook Ayoom ayaa xaqiijiyey dilalkaasi.

Inta badan Gobalkaasi waxaa ka dhaca weeraro lagu kala dhaco Lo’da, oo u dhexeeya Qabaa’illadda halkaasi ku wada nool.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor