Muwaadin Soomaaliyeed oo xukun lagu riday dalka Kanada

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee Maxkmada dalka Kanada ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cali Cumar Adeer waxaana loo heystaa afduubka Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah Afduub ahaan loogu heystay gudaha Soomaaliya mudo Sagaal sano ah ka hor.

Cali Cumar Adeer oo 40 jir ah ayaa Maxkamada Kanada waxa ay sheegtay in dembigaas lagu helay, balse isagu uu sheegay in uusan arrintaasi  waxba ka ogeyn sidoo kalena isla isaga uu afduubnaa.

Waxaa Maxkamada Kanada ay sheegtay in dacwadaan oo la dhageysanayay mudo 10 Cisho ah ugu dambeyn lagu xukumay xabsi daa’in ah balse la filayo in lagu dhawaaqo Sanadka soo socda ee 2018.

Ehelada Eedeysane Cali Cumar Adeer ayaa talaabada ay qaaday Maxkamada Kanada ku sheegeen in ay tahay mid cadaalada daro ah isla markaana ay racfaan ka qaadan doonaan.

Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah lagu heystay gudaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn lagu sii daayay lacag madax furasho taas oo keentay in uu ciqaab ku muteystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee Cali Cumar Adeer oo ku nool dalka Kanada.

Wariye Amanda Lindhout ayaa shalay markii ay maxkamada tagtay waxa ay sheegtay in xiligii afduubka loo heystay ay la kulantay dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen faraxumeyn iyo jirdil intaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media