Muwaadin Soomaaliyeed oo Xabsi ku muteystay Haweeney uu ku dhaawacay dalka Britain

Maxkmaadda Old Bailey ee magaalladda London, waxaa shalay la soo taagay Eedeysane Saabir Shariif oo 32-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay  Isku-day dil iyo inuu Haweeney 27-jir ah dhowr jeer mindi ku dhaawacay , kadib weerar kufsi ah.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha bishii April 9-dii ee sannadkii 2012-kii uu dembigaasi galay, isagoo Haweeneyda dhowr jeer ka dhaawacay Wejiga, Luqunta, Laabta iyo Gacanta.

Garsoore Usha Karu oo Dacwadaasi qaaday waxay Eedeysanaha ku xukuntay  Xabsi 13-sanno ah, ka hor inta aan la go’aansanin in la sii daayo, marka uu Eedeysanaha dhamaysto Xukunkiisa.

Ma kala cadda inay Waaxda Socdaalka ee dalka Britain dib u eegi doonto Xuquuqda uu u leeyahay inuu  sii joogo UK, marka uu dhamaysto Xukunkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media