Muwaadin Soomaaliyeed oo xaaskiisa horay u dhaawacay ayaa lagu qabtay dalka Austuria

39 JIR Somali ah oo ay Dowladda Sweden baadi-goobayso ayaa dhawaan lagu xiray caasimadda dalka Austria ee VIENNA.

Sida lagu soo daabacay Warbaahinta inta badan ka faalloota Arrimaha Sharciga iyo Maxkamadaha ee lagu magacaabo Expertlegalreview.com  ayaa daabacday in Ninkaasi ka mid ahaa Eedeysanayaasha sida xooggan looga baadi-goobayey Qaaradda Europe lagu qabtay Hawlgal ay fuliyeen Hay’adda Ammaanka ee dalka Austria.

Eedeysanaha Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inay Boliska Sweden u baadi-goobayaan fal Isku-day dil oo uu Xaaskiisa kula kacay  bishii June 7-dii ee sannadkii hore ee 2016-kii.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu xaaskiisa ku weeraray Maqar, isla markaana uu si xun u dhaawacay, ka hor inta uusan ka soo baxsanin dalka Sweden.

Ninkaasi ayaa la sheegay in loo jaray Amar lagu soo xiri karo, waxayna Ciiddanka Austria sheegeen inay ku qabteen Vienna, isagoo watay AQoonsi Been Abuur ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media