Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo dhowr sanno ku xirnaa dalka UK oo ku guuleystay lacag magdhow ah

C/raxmaan Maxamed  oo 33-jir ah ayaa ku guuleystay in la siiyo lacag dhan Toddobaatan iyo sideed kun iyo shan boqol oo Geniga Istarliinka Britain(£78,500), kadib, markii uu Garsoore sheegay in lagu tacadiyey Dhibanahaasi, isla markaana Tobanaan jeer Xabsiga loo taxaabay.

C/raxmaan Maxamed  waxaa horey loogu helay Falal-dembiyeedyo 30 gaarayo, kuwaasi oo ay ku jireen Dhac, weeraro badan iyo inuu haystay Tooreey u udadka ugu hanjabi jirey.

 

Waxa dhowr jeer lagu hayey Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta muddadii u dhexeysay sannadihii 2012-kii ilaa 2016-kii, lana doonayey in loo soo masaafuriyo dalkiisa hooyo ee Somalia.

Garsoore EDWARD BEBERAL ayaa amray inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UK siiyaan  Eedeysanaha  lacag magdhow oo dhan Toddobaatan iyo sideed kun iyo shan boqol oo Geniga Istarliinka Britain.

Garsooruhu waxa uu xukumiyey in Eedeysanaha si been ah loo xabisay, taasina ay xad-gudub ku tahay Garsoorka ka jira Bulsho wada ilbax ah.

Garsooruhu waxa kale oo uu taageeray Go’aan ay horey Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (The European Court of Human Rights) oo amartay inuu Dhibanaha Soomaaliga sii joogi karo dalka Britain, loona masaafurin Karin Somalia oo uu horey sababo dhinaca Ammaanka uga soo qaxay.

C/raxmaan Maxamed waxa uu dalka Britain qaxooti ahaan ku galay sannadkii 1996-dii, isagoo 17 jir ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media