Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeeyay Kanada

Eedeysane C/llaahi Shariif ayaa loo haystaa Tobaneeyo Dacwad oo ay ku jiraan 5 Isku-day Dil, 5 Dembi oo wadista khatarta ee gaadiidka, iyadoo uu Eedeysanaha bishii September 30-dii ee sannadkii uu gaari jiirsiiyey 4 qof oo jidka lugeynayey.

Eedeysanaha oo shalay la soo taagay Maxkamadda Court of Queen’s Bench ee magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee dalka Kanada ayaa ka cowday in katiinad lagu xiro  23-sacaadood, isla markaana uusan helin taageero dhinaca Sharciga.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegtay in Dacwadiisa dib loo dhegeysan doono bishan 25-da, iyadoo Turjumaan Soomali ah ka taageeri doono Fahamka Luqadda English-ka.

Dhinaca kale, Maxkamaddu waxay Xukunka qirashadda  Eedeysanaha ku dhawaaqi doontaa laga bilaabo bisha October 15-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor