Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas waxaa y ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ku ganacsada dalkaas.

Muwaadin ayaa waxaa lagu dilay Magalada Derban,waxana lagu Magacaabi jiray Sheekh Xuseen,waxana dad aan la hadalnay ay sheegeen in lagu dilay irida goobtiia ganacsi.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalkas ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay,iyaga oo qaaday meydka Marxuumka oo da’diisa lagu sheegay 57 jir.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in meydka muwaadinkaas ay malinta berito ah ku aasi doonaan Qabuuraha Muslimiinta ee Magaalada Darban ee dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaaliyeed,iyada oo masuuliyiinta dalkaas aysan waxba ka qaban,ganacsatada ayaana kuu sheegayaa in marwalba ay welwel iyo cabsi dareemayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor