Muwaadin Soomaaliyeed oo dhac ka geystay Jarmalka oo la baadi-goobayo

C/llaahi Saciid Xersi oo degganaa Waqooyiga magaalladda London ayaa lagu eedeynayaa inuu ku lug lahaa dhac hubeysan oo sannadkii 2009-kii loo geystay Suuq-weyne (Super Market) ku yaalla dalka Jarmalka.

Boliska London ayaa sheegay in Eedeysanaha oo 30-jir ah laga doonayo Jarmalka doorkii uu ku lahaa dhaca loo geystay Supermarket-ka oo la sheegay in laga qaatay lacag dhan 15,000 oo EURO.

Boliska waxay kaloo sheegeen in markii ugu dambeysay Eedeysanaha lagu arkay Degmadda Hendon bishii March 23-dii ee sannadkan, lana rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay qeybo ka mid ah Deegaano ku yaalla K/Bari ee Gobalka England.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Taliska Adeegga Guud ee Boliska London (Met Police) ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee getwestlondon in laga yaabo inuu Eedeysanaha isticmaalayo magacyo kala duwan si aan loo aqoonsanin.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media