Muwaadin Soomaali oo maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka

Dacwad=oogayaasha Federalka Jarmalka waxay maanta dacwad ku soo oogeen Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay  C/qaadir kaasi oo lagu soo oogay inuu xubin ka ahaa Alshabaab.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Eedeysanaha oo 20-jir ah uu ka dhoofay Jarmalka, kuna biiray Alshabaab, isagoo loo soo tababaray isticmaalka Bam-gacmeedyadda iyo Bistooladaha, waa sida hadalka loo dhigay.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha ka soo goostay Alshabaab bishii October ee sannadkii 2012-kii, isla markaana uu dalka Jarmalka ku soo laabtay bishii June ee sannadkii 2014-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media