Muwaadin Soomaali oo laga soo masaafurin lahaa Maraykanka oo cabasho iyo dagaal ka muujiyey Tarxiilkiisa

Ciise C/raxmaan Maxamed oo Maraykanka ku xirnaa tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii ayaa sheegay in lagu xad-gudbay Xuquuqdiisa, isla markaana weli lagu sii hayo Xarig aan sharci ahayn.

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa  sheegtay in Xiritaanka uu qaadan karo muddo 90 maalmood, iyadoo arrin xadka ka baxsan tahay xabsi 6 bilood tahay oo u baahan Xuquuq Gaar ah.

Ciise C/raxmaan Maxamed oo la qorsheynayey in la soo masaafuriyo Somalia bishii Janaayo 3-dii ee sannadkan, ayaa diiday inuu raaco Diyaarad  duulimaadkeeda ahaa Ethiopia, kadibna Kenya.

Waxa uu horey dhowr jeer Shaqaalaha Socdaalka ka diiday Masaafurintiisa, oo ay ugu dambeysay bishii December 30-dii ee sannadkii hore, xilligaas oo ay Safaaradda Somalia ku leedahay Kenya u soo samaysay Dukumenti Socdaal oo KMG oo muddo labo isbuuc ku ekaa.

Saraakiisha Socdaalka ee Maraykanka waxay sheegeen in Eedeysanahaasi la  qorsheynayo in la soo masaafuriyo bisha May ee sannadkan, iyadoo lagu wargeliyey inay u tahay Fursad Furan oo uusan dayici karin.

Dhinaca kale, Ciise C/raxmaan Maxamed waxa u diiwaan gashan Kiisas Maxkamadeed oo ay ku jirto Fal-dembiyeed kufsi ah, tan iyo markii uu Maraykanka qaxootinimo ku tegay sannadkii 1992-kii.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor