Muwaadin Soomaali oo ku nool Malta oo Xabsi iyo Ganaax Lacageed lagu xukumay.

Abdi Ali Mohamed oo 19-jir ayaa lagu xukumay xabsi 9 bilood iyo ganaax 600 oo Euro, kadib, markii lagu qabtay isagoo tahriibinayo Xashiish.

Qoraal loo gudbiyey Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Abdi Ali Mohamed oo deggan Deegaanka Gizra in Isbuucii hore lagu qabtay isagoo 7 garaam oo Xashiish ah ka iibiyey goobo lagu caweeyo oo ku yaalla magaalladda Pajefille.

Xashiishka uu iibiyey ayaa lagu qiimeeyey lacag dhan 140-Euro, balse, markii ay Boliska qabanayey waxa uu sheegay inay kharajkii ka isticmaalay 40 Euro

Garsooradda dacwadda qaadaysay ayaa sheegtay inuu Eedeysanaha la shaqeeyey Boliska, lsi loo soo qabto nin kale oo  si kontorobaan u iibiya xashiishka.

© Radio Dalsan  

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor