Muwaadin Soomaali ah oo ku noolaa dalka South Sudan oo ka badbaaday isku-day dil.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa qoray in Dareewal Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulle Xasan lagu dhaawacay Tuulladda Pageri ee Gobalka Magwi ee dalka Koonfurta dalka Suudaan.

Dareewalkaasi oo 28 jir ayaa la toogtay xilli uu doonayey inuu ka soo baxsado Ammaan la’aanta caasimadda dalkaasi ee Jubba, waxaana toogashadaasi geystay mid ka mid ah Kooxaha Maleeshiyadda ee ku dagaalamayo  dalkaasi

Dareewalka Soomaaliga ayaa waxay xabbadda kaga dhacday meel ku dhow Jilibka, wuxuuna ku guuleystay inuu naftiisa iyo gaarigiisa kala soo baxdo weerarka Jidgalka ah ee lagu khaarijin lahaa, wuxuuna isagoo dhaawacan  gaaray Degmadda Nimule ee xadka K/Suudaan la wadaagto.

Wargeyska The Monitor waxa uu qoray in dhaawaca Dareewalka lagu daaweynayo goob caafimaad oo ku taalla Barta Kontoroolka ee Deegaanka Elegu oo ku taalla Waqooyiga dalka Uganda

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media