Muwaadin Somaliyeed oo Daroogo u iibiyey, si uu u helo kharash uu ku cusbooneysiiyo Aqoonsiga uu ku joogo Malta

Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta  ayaa la soo tagaay Maxamed Cumar Ciise oo 22-jir ah, kaasi oo lagu helay inuu  iibinayey Daroogada nooca loo yaqaanoMURJUWAANAHA.

Eedeysanahaasi waxa uu Maxkamadda horteeda ka qirtay Dembiga lagu soo oogay, isago sheegay inuu Daroogada u iibinayey si uu u helo 80 EURO oo ah Kharajkii uu ku cusboonsiisan lahaa Waraaqaha Aqoonsiga ee uu ku joogo Jesiiradda Malta.

Maxkamaddu waxay Eedeysane Maxamed Cumar Ciise ku xukumay Xabsi 9 bilood iyo Ganaax Lacageed oo dhan 700 oo EURO.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media