Muwaadin Somali oo qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Indonesia oo la dilay.

Marxuumka la dilay oo la oran jirey Axmed Maxamed kuna ayaa la shaaciyey in Khamiistii hore lagu dilay Deegaanka Tebet oo ku taalla Koonfurta caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta.

Marxuumka oo 19-jir ah waxa uu Qaxooti ahaan ugu noolaa magaalladda Jakarta, isagoo ka diiwaan gashanaa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Warbaahinta dalkaasi waxay soo weriyeen inay Marxuumka dileen Koox Gangastaro Sarqaan ah, kadib, markii la sheegay inay Marxuumka is af-dhaafeen, isla markaana uu Marxuumka hadalo xunxun ku yiri Dembiilayaasha oo wada cabsanaa.

Taliyaha Boliska Deegaanka Tebet, Nuradin A. Rahmat ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 4-tii Dembiile ee isugu tegtay inay feer iyo ceeji ku dilaan Marxuumka Soomaaliga.

Taliyaha oo u waramayey Wargeyska Vivanews ayaa tilmaamay in dhamaan Afarta Eedeysane la xiray, kuna socoto baaritaan, inkastoo aan weli lagu soo oogin wax dembi ah.

Dembiilayaasha oo magacyadooda lagu soo koobay AF, MF, RRN iyo MF ayaa la sheegay inay cabsanayeen xilligii ay dileen Marxuumka Soomaaliga oo ku aadanayd abaarihii 3 habeenimo ee saqda Dhexe ee habeeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.

Boliska Indonesia waxay dilka Marxuumka Soomaaliga ee Axmed Maxamed loo geystay ku tilmaameen fal nasiib-darro ah.

Xogta Xafiiska Haya’adda UNHCR ee dalka Indonesia ayaa lagu sheegay inay dalkaasi ku nool yihiin Qaxooti tiradoodu dhan tahay 13,188 qof, kuwaasi oo badankooda sugayo inay Deganaansho ka helaan Waddamadda Reer Galbeedka, siiba Maraykanka iyo Kanada.

Links: http://jakarta.coconuts.co/2016/04/22/tebet-locals-allegedly-gang-and-kill-somali-refugee-after-victim-used-profane-language

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor