Muwaadin Somali oo Nidaamka Is-xambaarka haweeney ku geliyey dalka Britain oo la xukumay.

 

Maxamed Mascuud ayaa la sheegay in lagu xukumay xabsi 2 sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu Haweeney lagu magacaabo Amina Mohamed si aan sharci ah ku soo geliyey dalka Britain, isagoo isticmaalayo Baasaboor la been abuuray.

Eedeysanaha oo 46 jir ayaa la soo taagay Maxkamadda Chelmsford Crown Court, wuxuuna qirtay DEmbigaasi, isagoo codsaday cafis.

Maxamed Mascuud iyo gabadha uu Is-xambaarka ku geliyey dalka Britain, waxaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Stansted, iyagoo ka soo degay Diyaarad ka timid magaalladda Dusseldorf ee dalka Jarmalka.

 

Dhinaca kale, Haweeneyda Is-xambaarka lagu geliyey Britain, Amina Mohamed oo 33-jir ayaa la filayaa in bisha November 27-da la soo taago Maxkamadda.

Xigasho: hertsandessexobserver.co.uk

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor